X

Fadeexad: Maamul jufeed aanba shaqayn oo magacaabay 81 wasiir

Maamul jufeedka Hirshabeelle oo aan gebi ahaanba shaqayn ayaa magacaabay 81 wasiir iyo weliba dheeraad. Waxa taas ka sii daran in mid ka mida markiiba iska casilay markuu saluugay ama yasay jagada la siiyay.


Hirshabeelle oo uu ku magacaaban yahay Guudlaawe ayay diideen qabiilka Xawaadle ee iyagu wax ka dega Beledweyne, waxa aakhirkii dawladii Farmaajo lagu geeyay jujuub iyo wadahadal.

Hirshabeelle ayaa ka mida maamul jufeedyada uu duuduubka ku sameeyay Xasan Culusow kadib markii Kiiniya ku furtuurtey um=na sheegtay inuu faraha ka qaado Kismaayo iyo Axmed Madoobe.


”Waxaad is weydiin kartaa xagee kharashaad looga helayaa waxaas tirada ka batay ee weliba ayna jirin mid keliya oo ku magacaaban shaqo uu wax kaga bedeli karo masaakiinta laga qaadayo cashuurta ayuu yiri Cali Calasow.

”Waa fowdada Xasan Culusow qaybta ka ahaa oo welli socota, hadda oo lagu soo celiyayna ummadana maxaad filaysaa ayuu raaciyay Cali Calasow.


”Waa fowdada Xasan Culusow qaybta ka ahaa oo welli socota, hadda oo lagu soo celiyayna ummadana maxaad filaysaa ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.