X

Maxaa ugu wacan in Xasan Culusow sheegan kari waayo siyaasada qaranka?

Xasan Culusow ayaa madaxweynaha Masar ee martida uu u ahaa hortiisa ka yiri siyaasad ayna Somaliya haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn oo si toosa loogu weerarayo Itoobiya loogana dhigayo in Somaliya ku raacsan tahay.


Fadhiid Xasan Culusow oo siyaasadii qaranka ee dhexdhexaadka ahaa ee uu ku soo waday madaxweynihii hore ee qaranka Farmaajo ku bedelay mid aan haba yaraatee la aqoon oo u eg tuugsi.



”Tan waxay keentay in aan la garanayn halka Somaliya u socoto iyo waxa siyaasadeedu tahay ayuu qabaa Cali Calasow. Waxa kalifaya waa fuleynimada iyo in dadku ay oran karaan calool wax cuntey xishoo ayuu raaciyay Cali Calasow.

Waxa taasi ka sii daran in markii Xasan Culusow soo noqday maalmo kadib uu soo saaray hadal is dhex yaaca. Waa nasiib daro ku habsatey Somaliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.