Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Madaxa Puntland oo qaba in kufsiyada Puntland la soo abaabulo xilli banaanbax dhacay

Madaxa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo welli ku sugan Imaaraadka halkaas oo uu kulamo la qaatey shirkada dhiigmiiratada ah ee Dp World ee qaska ka wada Somaliya ayaa qaba in kufsiyada ka dhaca Puntland la soo abaabulo.



Waa masuulkii ugu horeeyay ee qaba in kufsi yahay wax la soo abaabulo oo mashruuc laga dhigto. Maanta waxa magaalada Garoowe ka dhacay banaanbax aamusnaana oo ay dhigeen haween dalbanaya in cadaalad ay helaan caruurta la kufsado.

”Waxaan hadalka ka dhadhansan karnaa in uu ku fashilmey oo aanu rabin in ay cadaalad hesho Caasho Ilyaas oo laba bilood kahor si xun loo diley markii la kufsaday kadib.



Dadka kufsigii loo haysto ayaa dabada ka galay qabiil maamulkuna ma awoodo inuu faraha la galo arimaha qabiilka waayo waa far far ku tag, waana halka nidaamka qabiliga ah ee federal ku sheegay ka socon Karin ayuuyiri Xuseen Mire oo Gaalkacayo jooga.

Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlaayay jaaliyada Puntland ee ku sugan Imaaraadka habeenkii xalay ayaa yiri sidan: kufsiga iyo dilka is xambaarsan ee lagula kacayo gabdhaha da’ada yar, waa dhaqan-xun oo hadda soo kordhay, una baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidda soo abaaabusha, si tallaabo adag looga qaado.



“Waa daahiro cusub oo baaritaan dhaba u baahan, marka waxaan saarnay guddi xaqiiqada soo raadiya, marka arrintaasi waxay u baahantahay in aan si qoto dheer u baarno, cid kasta oo ka dambaysana tallaabo adag laga qaado” ayuu yiri Siciid.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in Puntland keyd lacageed samaysatey inkastoo anu faahfaahin halka lacagtaas laga keenay.

Sawirka hoose haween bananbax aamusnaan dhigey

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...