X

Fadeexad: Maraykanka oo afka qabtey mareegtooyin laga leeyahay Iiraan oo ay ku jiraan

Marayanka oo sheegta inuu yahay dal ku dhaqma waxa ay ugu yeeraan dimoqraadi iyo xoriyada saxaafada ayaa afka qabtey laba warbaahin oo caana oo laga leeyahay Iiraan. Waxa ku jira telefishanka iyo mareegtada afka dheer ee Press Tv.


Waxa kale oo uu afka qabtey telefishanka caanka ah ee Iiraan laga leeyahay ee Al-calam iyo telefishan laga leeyahay dalkaasi Yaman oo lagu magacaabo Al-Masirah laakiin xaruntiisu Lubnaan.

Waxa intaba lagu eedeeyay inay faafinayaan warar ka dhana Maraykanka, waxaadse is weydiin kartaa aaway dalkii ku andacon jirey waxaan nahay waxa loogu yero dimoqraadi iyo xoriyad ba jirta ayuu yiri Xuseen Warsame.


Dhawaan ayay ahad markii Ingiriisku afka qabtey mareegtada iyo telefishanka caanka ee RT ee laga leeyahay Ruushka oo saaxada ka saaray idaacadaha reer galbeedka.

”Ha iga hadho beentay dadka u sheegi jireen ee ahayd waxaan nahay waxa loogu yeero dimoqraadi iyo xoriyad ayaa jirta ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Telefishanka Press tv qaybtiisa faysbuug oo ay ku xirnaayeen ilaa 4 milyan oo qof ayaa dhawaan faysbug masaxay laakiin markii fadeexad ka raacday ay dib u soo celiyeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.