X

Hay’ada beeraha oo ka digtey Ayax ka dhalanaya gobolada Woqooyiga

Hay’ada beeraha iyo cuntada aduunka ayaa ka digtey Ayax ka dhalanaya gobolada Woqooyiga Somaliya ayna ugu darnaan doonaan gobolada Awdal iyo Woqooyi Galbeed oo baryahan roob lagu nastey ka da’ay. Roobkan iyo qoyaankan jira ayaa kiciyay ugxax uu ka tagay Ayaxii hore.


Ayaxa ayaa hal mar cuna beero iyo dalagyo soo go’i lahaa oo dadku tabcadeen wuxuu dhinaca kale eber ka dhigaa dhirta iyo cagaarka oo dhan oo uu keenay roobkii lagu nastey.

Waxay hay’adu sheegtay in Ayaxan u soo gudbi doono dhinaca Itoobiya siiba gobolka Canfarta inta aanu gaadhin xeebaha Yaman iyo Cumaan una sii dhaafi doono Bakistaan.


Beeralayda Gobolka Awdal ayaa aad uga qayliyay Ayaxa maadaama aanu soo gaadhin wax gargaara oo ka imaan lahaa dhinaca dawlada dhexe ee Somaliya oo iyada loo soo marin jirtey gargaarada noocana.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.