Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Fadeexad: wasiir Faratoon oo loo sheegtay maamulka Somaliland iyo amar badalaad oo laga diidey

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa si badheedh ah u horjoogsaday digreeto Wasiirka wasaaraddaas Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) xilka kaga qaaday guddoomiyihii degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex, mid cusubna ugu magacaabay.

Wasiir Faratoon, ayaa digreeto uu soo saaray maalintii Salaasada ee toddobaadkan waxa uu guddoomiyaha cusub ee degmada Daarasalaam ugu magacaabay Mr. Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed, kadib markii uu xilkaas ka qaaday Ciise Muuse Axmed, isla markaana ku faray  Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex inuu sida ugu dhaqsaha badan labadaas masuul xilka ugu kala wareejiyo, taas oo loo ballansanaa Sabtidii shalay.

Hase yeeshee, Wasiiru-dawlaha Amniga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo ay ka madaxbannaan yihiin maamulka gobollada iyo degmooyinka, ayaa si cad u horjoogsaday fulinta wareegtadii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo safar dibadda ugu maqan xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas, masuulka cusubna ugu magacaabay.

Sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhow Wasaaradda Daakhiliga, Wasiir Diiriye ayaa si badheedh ah uga joojiyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex xaflad uu xilka ugu kala waraajin lahaa masuulka cusub ee Wasiir Faratoon u magacaabay degmada Daarasalaam iyo guddoomiyihii hore ee uu shaqada ka fadhiisiyey Sabtidii shalay.

Wasiirul-dawlaha-Amniga[1]

Warku waxa uu intaa ku daray, in amarkaas kadib Badhasaabku weydiiyey Wasiiru-dawlaha sababata uu isku hortaagay degreetada wasiirkiisa, inuu si aan gabbasho lahayn ugu jawaabay, “Xilka lagama wareejin karo guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada Daarasalaam oo aniga ayuu hawlo muhiim ah ii hayaa.”

Tallaabada uu ku kacay Wasiir-dawladaha Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo lagu tilmaamay fool xumo weyn oo dhabar-jab ku ah nidaamka maamulka iyo dawladnimada qaranka Somaliland, ayaa ku soo beegantay xilli uu safar dibadeed dalka kaga maqan yahay wasiirka wasaaraddaas Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo noqday masuulkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda degaannada Gobolka Sool ee qabta xilka wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dhinaca kale, qorshaha Maxamed Muuse Diiriye isku hortaagay fulinta digreetada Wasiir Faratoon, ayaa la sheegay inay salka ku hayso fadeexado musuqmaasuq baahsan oo si qarsoodi ah loogu kala iibsanayo dhul-daaqsimeed ballaadhan oo ku yaal degaannada woqooyiga caasimadda Hargeysa, waxaannu Wasiiru-dawlaha Amnigu gadh-wadeen ka yahay hawlgal la tuhunsan yahay inuu ka macaashay boqollaal kun oo doollar laga qaaday ganacsato dhul-doon ah, laguna sheegay in lagu aasayo ceelal dad shacab ah ka qodeen degaankaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...