Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay nin farshaxaniiste ah oo u dhashay Talyaaniga oo ki rakibnaa guri uu ku dhashay raiisal wasaare hore oo Ingiriiska ka talin jirey xilligii dagaalkii labaad oo lagu magacaabi jire Jeerjil ayaa la xaday.

Jeerjil oo ka baqaya Jarmalka ayaa markasta raadsan jirey xulafo intuuna daadku soo gelin. Fadhigan musqusha ayaa lacag ahaan joogta 1 milyan iyo dheeraad doolara waxana gurigan lagu rakibey 2 cisho kahor.



Dhaxal sugaha isagu ka masuulka ahaa fadhigan musqusha dahabka ah ayaa bilo kahor sheegay inaan qorshaha ugu jirin in uu keeno ilaalo maadaama fadhigan musqusha ku xiran tahay biyaha qasriga oo ay adag tahay in lala baxo.

Waxa Fadhi musquleedkan markii la sameeyay sanadii 2016 la dhigey masxaf ku yaala New York waxana isticmaalay 100, 000 (boqol kun) oo qof, waxana laga sameeyay lacag aad u badan.



Farshaxaniistaha Talyaaniga ayaa isagu halku dheg ka dhigtey haddii aad cunto raashin 200 oo doolar jooga iyo hadaad cunto mid 2 doolar jooga in xilliga musqusha aad tagto ay isku mid yihiin.

Taas oo uu ula jeeday dadka Yurub ku nool oo qaarkood lacagtu ka badatey oo moodey in lacagtu askeysi dheeri ah keento. Tuugada xaday fadhigan musqusha oo xarfaan ahaa ayaa hawsha ka maydhay 4:50 subaxnimo.



Booliiska Ingiriiska ayaa sheegay inay qabteen oday 66 jira oo qasriga joogey xilliga la xaday inkastoo waxba lagu hayn haddana ay bilaabeen daawashada kaamaradaha ku xiran qasriga bal inay ifafaalo ka helaan cida xaday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...