X

Falalka argagixisada shabaab maxaad ka ogtahay iyo nin ay amreen in uu dilo hooyadii iyo aabihii kadib maxaa dhacay!!!

Ficilada argagixisada shabaab ayaa caan ka ah Koofurta Somaliya iyo dhulka ay xukumaan. Suleymaan Maxamed oo ka mid dhalinyarada ku nool Gobolka Gedo ee Koofurta Somaliya ayaa sheegay in argagixisada shabaab ay fareen inuu dilo hooyadiisa kadibna uu ku xijiyo aabihiis.

Waxa uu sheegay in hooyadii ay ka mid aheyd haweenka nadaafada ee xarunta ciidanka milateriga ee gobolka Gedo halka aabihiina uu ahaa Sargaal ka tirsan Ciidamada dawlada ee gobokka.

Suleymaan Maxamed waxa ay xaajadu ku xumaatay goortii argagixisadu amartey inuu dilo waalidkiisa, waxa uuna isku dayay inuu ilaa xad iska mashquuliyo arrinkaasi balse waxa uu tilmaamay in lagu laba jibaaray cadaadinta taas oo keentay in uu isaga baxo kooxda si uu uga badbaado dhibaateynta waalidkiisa.

Waxa uu iminka ku dhex noolyahay xarumaha dawlada ee Gedo, waxa uuna cadeeyay in kooxdan inkaarani ay cadaawad u abuureyso dadka ka tirsan balse kaliya uu layaabay sababta ka dambeysay in loo adeegsado reerkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in inta badan dhalinyarada ka mid ah lagu cadaadin jiray in howlgalka ay ka bilaaban reerkooda hayeeshee taasi badankooda aysan u cuntamin.

Guriga ayuu sheegay in ilaa seddex jeer lagu soo weeraray balse uu ka baxsaday kadib markii uu ka booday qeybta dambe ee hooyga.

Dhanka kale waxa uu dawlada Somaliya iyo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inaysan fal argagax badan kula kicin dhalinta kasoo goosta dhiigmiiratadan bacdamaa uu yiri lagu qasbo waxa aysan rabin, hadii uu diidana la dilaayo.

C/llaahi Warmooge, KU XIRNOW ARAABINEWS.COM FACEBOOK

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.