X

Kooxda shabaab ee lagu yaqaan xasuuqa muslimiinta oo wariye iyo xaaskiisa ku dilay Baydhabo

Baydhabo–Waxa xalay ka dhacay Baydhabo dil aad looga naxay oo ay gaysteen argagixisada shabaab oo lagu yaqaan xasuuqa muslimiinta kadib markii ay gurigooda ugu dhaceen wariye lagu magacaabo Daa’uud Cali Cumar iyo xaaskiisa. Marxuumiintan ayaa argagixisadu gaalaysay kadibna ay xalaashadeen dhiigooda.

Dadka deegaanka Baydhabo gaar ahaan xaafada Bardaale ayay argagax ku ridey xasuuqani iyo diinta cusub ee shabaab. Dhagar qabayaasha sida arxan darada u dilay Wariyaha iyo Xaaskiisa ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay gudaha u galeen hoyga uu deganaa wariyaha, waxaana la tilmaamay in ay halkaasi ku toogteen isaga iyo xaaskiisa.

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa xalay lagu dilay wariye ka shaqeynayay idaacad ku taalla magaaladaasi iyo xaaskiisa. Dhalinta falalkan fuliya ayaa ah kuwa aan diin waxba ka ogeyn kaliya maskaxda looga shubey xasuqa muslimiinta in lagu jano tagey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.