X

Falkii gabdhaha lagu dhirbaaxay Hargeysa ma diin ayuu shaqo ku leeyahay

Waxa xalay ka dhacay magaalada Hargeysa fal wuxuushnimo ah sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal u ahaa kadb markii laba gabdho ah lagu bahdilay magaalada dhexdeeda. Waxa su’aalo layska weydiiyay in falkaas diinta loo nisbayn karo iyo halka uu sal ku leeyahay.


”Falka ka dhacay Hargeysa wuxuu salka ku hayaa weeraro hore loogu soo qaaday dhaqanka iyo hiddaha ay leeyihiin ummada Somaliyeed looguna bedelo kan Wahaabiyada Sacuudiga ayuu qabaa Xuseen Warsame meelna diinta macaan kama soo galo.

Kaaga daran waxa fuliyay dilka loo gaystey gabdhahaa booliiska maamulka Muuse Biixi ayadoo lagu sheegay in iyaga lagu badbaadinaayay. Su’aasha aad is weydiin karto ayaa yaa laga badbaadinaayay?.


Gabdho Somaliyed oo surwaal xirta wax cusub maaha maalin kastana way xirtaan meelna diinta uguma qorna surwaal ma xiran kartaan, Carabta badankeeduna waxaya xirtaan surwaalo haddayna ogeyn kuwa la sheegay inay eryanaayay gabdhaha ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

”Sheekadan ayaa salka ku haysa dagaalka diimeed ee xagjirinta Wahaabiyada ay ku rabaan in haweenka Somaliyeed u labistaan sida dumarka Sauudiga iyo Yamanta taas oo aad moodo inay qayb ahaan u hirgashay afkana dabooshaan ayuu yiri Xirsi Warfaa.


Gabdhahaas waxa laga galay dembi ka weyn kuwa halkaas ku dhirbaaxay ay sheeganayaan una malayn mayno inay heli doonaan cadaalad. ”Waxa ku filnayd haddii xataa ay qaawanaayeen waaba gabdho surwaal xidhana in la yiraa gabdho sidan waa sidee ayuu yiri Xuseen Warsame.



Wahaabiyada oo diintoodu xooga saarto la dagaalanka haweenka iyo dharkooda ayaa waxa Hargeysa u jooga wadaado faafiya dhaqankaas, waxana ka furan magaalooyin Hargeyska mid tahay meelo aad moodayso inay dalkaba ka mid ahayn.

”Meesha foolxumo ayaa ka dhacday waanan ka naxay sida loola dhaqmay gabdhahaas ayuu yiri goobjooge.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.