Fanaanada Safiya Yoonis Jaamac (Safiya Tusmo) ayaa Araabinews uga warantey wiil walaalkeeda oo ciidanka Somaliland toogteen kadibna isagoo dhaawaca ay ka soo qaadeen Itoobiya sida Safiya Tusmo noo sheegtay. Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdi Yoonis Jaamac (Ilkacase) ayaa hadda ku jira isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa halkaas oo lagu daawaynayo.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Warancade ayaa idaacadaha u sheegay in Ilkacase ka tirsanaa kacdoonka Suldaan Wabar uuna qirtey dambigiisa.
Safiyo Tusmo ayaan wax ka waydiiney arinta ku dahaaran walaalkeed oo ay noo sheegtay in eedaymahaas oo dhan aanay waxba ka jirin wiilkana Itoobiya gudaheeda laga soo qabtey halkaas oo uu rabey in uu baayacmushtar ka furto.
Sawirka hoose waa Cabdi Ilkacase oo hadda lagu daawaynayo Hargeysa
ARAABINEWS.COM nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com
![12112013_966363020092068_4868787988983900491_n[2]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/10/12112013_966363020092068_4868787988983900491_n2.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay