X

Fanaanadii qaranka ee Saynab Xaaji Cali Baxsan oo geeriyootey iyo tacsi laga direy

Waxa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo mudooyinkii u dambeeyay ku xanuusanaysay magaalada. Ehelada fanaanada ayaa warbaahinta u xaqiijay geerida fanaanada weyn ee qaranka u soo halgantey.


Baxsan ayaa lagu yaqaanay wadaniyad iyo jacaylka qarankeeda. Waxayna ka qayb qaadatay ruwaayado badan oo isugu jira jacayl iyo wadani. Murtida loo dhiibay ayaan idiba ta kale ka dhicin.

Madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha cusub ayaa tacsida u direy ummada Somaliyeed gaar ahaan eheladii ay ka baxday Saynab Xaaji Cali Baxsan.


Janadii fardowsa RABI haka waraabiyee marxuumad Baxsan waxay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii dalka, dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeena ayuu yiri raiisal wasaare Maxamed Xuseen.

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.