X

Wararkii ugu dambeeyay gabadh laga afduubey Muqdisho oo la helay

Waxa shalay magaalada Muqdisho la waayay gabadh lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan, waxana laga baqaayay in la afduubey, hadda wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lagu guulaystey in gabadhaas laga helo gobolka Galguduud gaar ahaan Guriceel.

Rag hubeysan ayaa shalay gabadha ka soo kaxaystey magaalada Muqdisho waxana la raadinaayay ilaa xilligaas wixii ka dambeeyay.


Hibo ayaa waxa qoyskeeda ugu maqal dambeysay waxyar un kadib markii ay shalay raggaasi wateen, iyada oo wicitaan ugu sheegtay hooyadeed inay wateen dad aysan aqoonsaneen, wixii intaasi ka dambeeyayna la waayey.

Hibo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Guriceel, xili ay iska dajiyeen raggii hore u afduubtay oo lagu soo waramayo inay ka cabsadeen dhaafinta goob xanibaada oo ciidan oo u taalay afaafka hore ee Guriceel.


Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gabadha ay gacanta ku dhigeen ciidamadaasi, kuwaasi oo ku wareejiyay maamulka Guriceel oo goordhoweyd la soo xiriiray qoyskeeda.

Gabadha oo hadashay

Gabadha oo hadashay aya beenisay in la afduubtey ee iyada iskeed uga soo dhuumatey waalidkeed, sidaana ku timi Guriceel. Dhacdooyinka noocana ayaa ku cusub dalka waxana loo aanaynayaa dhaqamada gaalada iyo filimaanta ay daawadaan dhalinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.