28/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Fanaanadii reer Jabuuti ee Faadumo Axmed Dhimbiil oo geeriyootay

Allaha u naxariistee fanaanadii weynayd ee reer Jabuuti Faadumo Axmed Dhimbiil ayaa geeriyootay. Fanaanada ayaa baryahan xanuusanayd sida ay sheegeen ehelada.

Fadumo ayaa ahayd qof qalbi furan oo hayn jirtey dad aad u farabadan.

Faadumo ayaa ahayd ruug cadaa gurigeeda aan lagu qadin kana soo qaybqaadatey xornimadii Jabuuti inkastoo markii dambe ay ku nooleyd dalka Ingiriiska.

Waxay lahayd heeso gobanimo iyo kuwa jacaylaba oo dadku aad u dhegeystaan. Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun RABI janadiisa haka waraabiyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS