X

Fanaanka Qamar Suugaani oo ka hadley sida ciidanka Muuse Biixi ugu garaaceen Hargeysa

Fanaanka Qamar Suugaani ee aadka loo jecelyahay aadna loo dhegeysto heesihiisa ayaa xalay ciidanka Muuse Biiixi ku garaaceen Hargeysa xilli uu adeeg Ka soo baxay. Fanaanka ayaa kadib ciidanka Muuse Biixi gaysteen Xero booliis looguna gaystey jirdil xooga.


Fanaanka ayaan ilaa hadda garanayn waxa ciidanka Muuse Biixi ku garaaceen. Waxa kaaga daran ayuu yiri kuwii garaacaayay qaarkood oo u sheegay inay dhegeystaan heesihiisa oo jecelyihiin uuna aad ula yaabay.

Sidii Muuse Biixi u fuulay hogaanka maamulka Somaliland waxa batey dadka jeelka uu ku gurey, kuwa aan jeel la geyna sidan oo kale loo jirdilo.


Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka argagaxay sida Muuse Biixi ugu tunto xuquuqda dadka, asagoo been u sheegi jirey dhalinyarada Hargeysa orana jirey waxaan u falaagoobey cadaadiskii dawladii dhexe.

Qamar Suugaani ayaa Xamar tagey dhawaan halkaas oo aan xaaraan ka ahayn fanaan Soomaaliyeed. “Ma jirto cid looga cawdo ayuu yiri Xuseen Warsame inaad is difaacdo mooyee.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.