X

Xagjir Taram oo lagu bilaabay xilka ka xayuubin muxuuse galay

Barlamaanka dalkaasi Maraykanka ayaa bilaabay inay xilka ka xayuubiyaan xagjir Taram oo la ogaaday inuu wadanka ka galay khiyaamo weyn faafiyayna sirta dalka. Xisbiga dioqraadiga ayaa bilaabay xilka xayuubinta waxana ku raacsan xisbigiisa.


Inta hadda la ogaaday xagjir Taram ayaa joojiyay lacag milatari oo uu siinaayay Yukarayn si ay ugu layso dadkeeda Ruushka ah, wuxuuse ku xirey in horta la ceebeeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee xilligii Obaama iyo wiilkiisa si uu uga guulaysto.

Haddii xukunka laha xayuubiyo xagjirkaas wuxuu noqonaya mid taariikhda ku galay dalkiisa. Waxase jira in xisbigiisa qaybta aqalka sare ay diidi doonaan in xilka laga qaado.


Xagjir Taram ayaa ku doodaya in isaga iyo madaxweynaha Yukareyn ayna is dhaafsan wax khiyaamo wuxuuna balan qaaday inuu sii daayo sheekadii ay is dhaafsadeen. Hadduu hogaansamo laguma qaadayo xilka xayuubin.

Waxa laga sugaa wixii ka soo baxa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.