X

Maxay Isla garteen madaxweyne Farmaajo iyo kan Kiiniya

Kulan uu soo diyaariyay madaxa hogaanka midowga Afrika ee sanadkan ahna madaxweynaha Masar C/casiis Sisi ayaa la Isla gartey in la soo celiyo xiriirka u dhexeeya Kiiniya iyo Somaliya. Kiiniya ayaa caadi faraha ugula jirta siyaasada Somaliya waxayna xoog ku fadhidaa Kismaayo.


Waxay diidey inay faraha kala baxdo siyaasada gudaha dalka ayadoo ciidanka Kiiniya ee isku bedelay Amisom u isticmaasha inay ku xaalufiso dalka gargaarna u noqoto argagixisada Shabaab.

Labada madaxweyne oo uu la joogo madaxweynaha Masar ayaa isla gartey inay guddiyo u saaraan dhameeya arimaha la xiriira xad-gudubyada Kiiniya wado ayadoo Kiiniya rabta in Somaliya joojiso dacwada badda taas oo dhacayn.


Lama garan karo ilaa xad waxa guddigaas ay xalin karaan, waxase ujeedada tahay in wadahadalku socdo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.