X

Faransiiska oo garaacay Beljim sidaana ku gaaray ciyaarta kama dambeysta

Xulka Faransiiska ayaa garaacay Beljim sidaana ku gaaray ciyaarta kama dambeysta. Beljim ayaa muujisay ciyaar xoogan laakiin dhaafi wayday difaaca Faransiiska oo xirnaa. Beljim ayay u ahayd markii ugu horeysay oo ay sdoo gaaraan wareega afraad.


Difaaca Faransiiska iyo weerarkooda oo aad u fiicnaa ayaa keenay inay Beljimka diraan. Faransiiska ayaa xcumnay goolal aad u farabadan ayagoo Beljimka diri lahaa fiid hore.

Faransiiska ayaa taagan ciyaarta kama dambeysta sugayan Ingiriiska oo laga yaaban yahay aadna u nasiib badan soona gaaray wareega afraad iyo Kuruesha oo iyaduna markii labaad timi wareega afraad.


Dadka badankiisa ayaa leh Ingiriiska oo aan lahayn tayo xirfad ciyaareed iyo ciyaaryahano kala diri kara difaaca xulalka kale way ku adkaanaysaa inay badiyaan.


Kuruesha qudheeda ayaa ah koox isku tiirsan laakiin leh dhowr ciyaartow oo kaligood wax dhalinkara.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.