Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Farmaajo oo fikirkiisa ka dhiibtey difaacii dawladii qaranku ugu jirtey isku haynta dalka

Kadib maalin kahor oo madaxweynuhu kulan uu soo qaban qaabiyay raiisal wasaaraha Itoobiya uu la qaatey horjoogaha maamulka Somalilaan, ayaa uu ka dhiibtey fikirkiisa duulaankii dawladii kacaanku ugu jirtey isku haynta dalka iyo gudashada waajibkeeda.



“Wixii ka dhacay Hargeysa iyo Burco waxay ku dhaceen nidaam dawladeed mana ahayn marnaba mid loo qaaday qabiil ku duulaya qabiil kale ama Koofur iyo Woqooyi, waxaan jeclahay inaad taas Ila qaadataan ayuu yiri Farmaajo.

Xagjirka SNM oo xasuuqay boqolaal dadkooda ah iyo qabiilada jaarkaba waa hadalada ay ugu jecelyihiin, waxaanad maqli doontaan, ayagoo oran doona bal eega waakaase, ayagoo uu daboolaya xaauuqyada faraha badan ee ay gaysteen, mudadii u dhaxaysay 1992 iyo 1995 iyo 2004 Kalshaale ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.



Talaabada ay qaaday dawladii kacaanku waa mid ay qaadi lahayd dawlad kasta oo masuula oo iyadu ka masuula amniga dadkeeda iyo ilaalinta sharciga marka jufo isku daydo in ay sharciga gacanteeda ku qaadato ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Waxaan ogaa Ingiriiska oo ku hanjabaya inuu askarta u dalban doono bililiqo iyo dukaamo dab la qabadsiiyay Koofurta London, waana kuwa ugu munaafaqsan ee ka hadla waxa dawladaha kale ee la midka ah sameeyaan.



Si kastaba ha ahaatee Farmaajo maaha inuu wax ka sheego ficiladii dawladii hore waayo waxa ka weyn wixii dhacay dabadii oo ah in dalkii la geeyay halkii lala rabay.

Somalidu waxay u baahan yahay inay dibu furato baal cusub oo looga gudbayo xumaantii hore, taasina ma dhacayso inta la iaticmaalayo nidaamka gaalada ee federaal, gobolada qaarna ay u taliyaan kuwii xasuuqa qayb ka ahaa waayo waxay dabada ku hayaan gaalo iyo cadowga dalka.

Wuxuu Farmaajo ka gaabsadey inuu ka dalbado horjoogeyaasha nool ee xasuuqay barakiciyayna boqolaalka qof ee magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Dilka iyo Kalshaale inay cafis weydiistaan dadkaas ay noloshooda seejiyeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...