USA 13 Jan 2015–Raiisal wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa ka dayriyay wasiiro hore u fashilmay oo dib u so noqday. Wasiiradaas oo ay saaxiibo yihiin Xasan Culusow. Wasiiradii la magacaabay ayaa dhamaantood so wada noqdeen iyadoo ay jiraan tiro yar oo cusub.
“Dad badan oo filayay Isbadal in uu dhici karo ayaa markii ay arkeen Wasiiradaan iyo sida ay wax u socdaan Niyad Jab ay ku dhacday”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo oo intaa ku daray in horay uu soo dhoweeyay markii la magacaabayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Farmaajo ayaa xusay in dantii guud laga hormariyay dan gaar ah, isla markaana xubnaha dib loo soo celiyay wasiirada ay ahaayeen shaqsiyaad gaar ah oo Madaxweynaha ku dhowaa, kuwaasoo horay ugu fashilmay Xukuumadihii hore, haatana xukuumadan dib loogu soo diray.
“Waxay u muuqataa in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya Meel looga dhacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu soo Magacowday Wasiiradii uu horay u sheegay in ay Fashilmeen, taas waxaa ay muujineysaa in aan la raadin Danta Shacabka oo mid Shaqsiyadeed loo ordayo”ayuu yiri Farmaajo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS