Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Farmaajo oo sharaf dhac ka qaaday la kulankii Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliya ayaa markii labaad sharaf dhac weyn ka qaaday la kulanka falaago maalin kasta ku faana inay axmaar walaalo yihiin, cadowgooduna yahay Koofurta Somaliya, burburkii kadibna sheegtay inay xoreeyeen Hargeysa iyo Burco kadibna goosteen.



Waxa been noocaasa lagu dhuraayay dhalintii dhalatey burburka kadib oo hadda badankoodu dareemay in ayna arag wax lagu faano iyo horumar ee kaliya ay arkeen marka Hargeysa dhaafaan inayna jirin wax la yiraa Somalilaan. Waxa dhalintii kadib bilaabeen inay badda isku shubaan Yurubna isku dhiibaan qabiiladii Koofurta dalka ee lagu yiri waa cadowgiina.

Waxa dadka Hargeysa iyo Boorama lacagtoodii xalaasha ahayd looga bedeshay mid Ingiriisku u sameeyay oo bugga oo Hindiya lagu sameeyay, baryahan dambana la soo meydho kadibna doolarka xalaasha ah looga qaato madaarka iyo suuqyada.



Kooxda Muuse Biixi hadda hogaamiyo iyo kuwii ka horeeyayba waxay ku fadhiyeen tuunbo loo dhaafay  waxana markasta jirey cadaadis lagu saarayo in wadahadal lala furo. Dawladihii diciifka ahaa ee ka jirey Muqdisho waxa tii uu hogaaminaayay fadhiid Sheekh Shariif ugu dambeyn laga fushaday sheekada ay u bixiyeen Somaliya iyo Somalilaan.



Haddaba Farmaajo oo muddo xilleedkiisu gebagabo marayo ayaa sharafta looga qaaday inuu Muuse Biixi ku martigeliyo Jabuuti. Ujeedada inkastoo ay ka weynayd wuxuu kaliya garan waayay inuu ku adkaysto oo yiraa marxaladan lagu jiro ma haboona inuu dhaco kulan noocaasa waayo waaqica ka jira Hargeysa iyo Burco maaha kii ka jirey dhowr sano kahor.

Ama haddii Somali wadahadlayso meel dalka gudihiisa kaga haboon ma jirto laakiin taasi ma dhicin, wuxuuse fursada saxaafadeed siiyay horjooge aan u qalmin.

Waxa keliya ee Farmaajo amaan maanta ka helay kooxda sida cad faraha ugula jirta dalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska oo sheegay inay soo dhaweeyeen kaladirista barlamaanka dalka iyo dib u soo celinta waxay ugu yeereen SAAMILEYDA dalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...