Waxa hadda socda gurmadka loo fidinayo dad ku hoos jira dhisme shan dabaqa oo halmar ku dumey dadkii deganaa. Xaafada qadiimiga ah ee Xamarweyne ayaa dadku waayeen meel ay uga guuraan guryaha duuga ah ee ku yaal.
Guryahan oo qarni ugu yaraan jira ayaan helin dayactirka loo baahnaa. Maaha markii ugu horeysay ee ay dumaan guryaha ku yaala xaafadaas. ”Hooyo korontaa ka kacdey ee duuga guryaha maaha ayay tiri hooyo dad u badbaadeen dadka ka dhinteen. Hooyo inta hadda aya ka badan inta badbaadey ee la soo faqayo.
Dadka ag dhow goobta masiibadu ka dhacdey ayaa ku soo xoomey si ay u badbaadiyaan dadka degan fooqaas soo dumey oo ay ku jiraan caruur, haween iyo dad waayeela.
Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee masiibadan, waxase la qiyaasayaa ilaa shan qoys ugu yaraan inay deganaayeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS