Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Fowdo ka dhacday golaha shacabka iyo afduub cusub

Kulankii maanta ee golaha shacabka ayaa waxa ka dhacday fowdo tii ugu xumayd kadib markii la iska qaatay go’aan aan layskuwada waafaqin iyo gudoonkii oo goobta ka cararay. ”Haddii dhinaca maskaxda ay jirto dee waa la geyn karaa dhakhtar ayuu yiri Amiin Jeesow.



Waxa la is weydiinayaa ayadoo caawa maqribkii la diley halgamaa Somaliyeed abwaan Badal Jaamac oo la rumeysan yahay ayan qirteena inay dileen koox sheegatay magaca Hawiye. Dilka abwaanka ayaa aad looga xumaaday.

”Waxa lagu gafay xeer hoosaadka u yaala golaha shacabka iskaba dhaaf kan u yaala golaha sare oo aan la aqoonin ayuu yiri xildhibaan ka hadlay waxa markii horeba isku keenay labada gole.



”Waxase socota dan laga leeyahay in la leexiyo doorashada iyo nidaamka ay ku dhici lahayd ayuu yiri xildhibaanku. Runtii waxa dhacay maanta lama oran karo waxa dhacay wax lagu tilmaami karo hanaan dawladnimo.



Odayaasha meesha loo dhiibay waxaad moodaa in lagu adeeganayo ama iyaguba qayb ka yihiin qorshe laga soo aleegayo Xalane. Gole shacab waxa lagu yaqaan in saraaxdle looga doodo arimaha taagan kadibna gacan taag ka dhaco laakiin waxa dhacay haba yaraatee uma muuqan wax u socda hanaankii loogu talogalay.



Ma oran karno waxa dhacay qodobo lagu heshiiyay oo la saxiixay, ma jirin hidise laga dooday kadibna cod loo qaaday waa fowdo caadiya, waxana muuqata in la sheegayo lacag lagu kordhiyay lacagaha laga qaadayo musharixiinta gudoonka iyo kan madaxweynaha.



Waxaa wax laga xumaado ah in welli Kiiniya ku dhegan tahay kuraasta gobolka Gedo oo qorshuhu yahay inay labada doorashaba ka maqnaadaan. Waxa ku faraxsan kooxda Xalane oo iyagu qaba inay wax u dhimayso danta ay ka leeyihiin Somaliya oo maanta durtaba soo baxday.




Si kastaba ha ahaatee xitaa dood lagama gelin in kuraasta la buuxiyo waxana muuqata in wixii dhacay maata uu ahaa qorshe lagu weeraryo hanaanka dawladnimada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...