X

Jab xoogan ayaa ku dhacay Tigree kamana hadhayno ilaa aan burburino: Cabi Axmed Cali

Raiisal wasaaraha Itoobiya oo ka hadlaayay guushu u dambeysay ee milatariga Itoobiya iyo maleeshiyada Axmaarada ka gaadheen dib u xoreynta 8 magaalo oo waaweyn ayaa sheegay in Tigreegu jabay rasaastuna ayna joogsan doonin ilaa aan burburino.


”Way jabeen dagaalkuna ma joogsano ilaa aan burburino ayuu yidhi Cabi Axmed oo jooga furinta dagaalka qaasatan wadada laamiga ah ee toos u tagta Maqale oo ay ku yaalaan magaalooyinka dib loo xoreeyay.

Tigreegan jabay ayaa ku hadhay tuulooyin faro ku tirisa oo taxan isla wadadaa toos u tagta xarunta Tigreega ee Maqale. Wax shibta galay reer galbeedkii lahaa waxa Tigreegu ku socdaa caasimada ee halaga baxo.


”Waxa hadda ay qirsan yihiin inay been dhurayeen oo ayna marnaba arag ciidan xoogan oo qabsan kara caasimad iyo meel u dhow ayuu yiri khabiir ku sheeg la hadlay warbaahinta reer galbeedka.

”Meelo ay ku qaadatey Tigreega inay ku soo galaan 3 bilaood ayaan kaga saarnay 12 cisho ayuu yiri Cabi Axmed oo yiri dhamaan gobolka Canfar hal askari kama joogo.



Hadda ma jiro ciidan difaaci kara gobolka Tigreega waayo kii ugu dambeeyay ee naf la caariga ahaa waxa lagu cunay Dessie iyo Kombolja.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.