X

Gaadhi dad ku jiiray magaalo ka tirsan Boston ee dalkaasi Maraykanka: SAWIRO

Gaadhi dad ku jiiray magaalo ka tirsan Boston ee dalkaasi Maraykanka. Ninka gaadhiga waday ayaa la sheegayaa in la hayo oo aanu baxsan. Wararka ayaa sheegaya in ninkani gaadhiga jiirsiiyay dad koox ah oo joogey meel lagu dabaasho.



Warar hordhaca ayaa intaa ku daraya in falkani yahay mid argagixiso halka qaar kalana leeyihiin waa shil caadiya oo wadaha gaadhigu lumiyay shukaanta. Dhaawaca hadda jira ayaa ah 10 ruux ayadoo ilaa hadda jirin wax dhimasho inkastoo dhaawaca qaar halis yihiin.



Booliiska ayaa sheegay in ay war buuxa soo saari doonaan oo ay ku jirto sababta keentay shilkan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.