X

Gaafow oo ka hadlay nin Hargeysa ka yimi oo shaqaalaha madaarka Muqdisho sanka ka galiyay baasaboorka Somaliland+MUUQAAL

Jeneraal Gaafow madaxa socdaalka dawlada Somaliya ayaa jawaab ka bixiyay nin sheegtay in baasaboorka beeshiisa mar uu la tagey Muqdisho looga qaatay. Jeneraal Gaafow ayaa csheegay in ninkani oo siyaasi ah uu ku qasbey shaqaalaha garoonka in ay qaataan baasaboorka ama loo shaabadeeyo kadibna weaxa loo sheegay in uu ciyaarta ka daayo.

Wuxuu ku daray in uu ku qasbey marki shaqaalihii diideena ay u gudbiyeen hay’ada nabadsugida si layskaga baadho argagixiso iyo in kale markii lagu yiri in uu Somali yahay oo aan looga baahnayn baasaboorna uu ku qanci waayay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.