X

Somaliya oo laba markab u dirtey Yaman si ay wax uga gaystaan qoxootiga soo noqonaya yaase lacagta bixiyay

Muqdisho–Dawlada Somaliya ayaa laba markab oo gargaara u direy dalkaasi Yaman si ay wax uga gaystaan soo daadgureynta Somalida ku jabtey dagaalka Sucuudigu ku burburiyay dhaqaalaha iyo iskusocodka dadka. Labadaan markab ayaa mid ka mid ah wuxuu ku xiran doonaa Dekada Magaalada Cadan ee dalka Yemen oo dagaalo ay ka socdaan halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin Soomaali badan oo dalka dib ugu soo noqon laheyd.

Lacagta lagu kireeyay labadaan markab ayuu sheegay agaasime Ciyoow in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii amaahday, maadaama Guddiyada Baarlamaanka ay horay u go’aamiiyeen in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Mushaaraadkooda laga jaraayo dhaqaalaha dib loogu soo celinaayo Soomaalida dalka Yemen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.