X

Gaalkacyo oo maanta degan iyo Raiisal wasaare Sharmaake oo dib ugu soo laabtey Garoowe halka Axmed Madoobena ka soo horeeyay

Kadib dagaalkii shalay wax xabad ah maanta ma aysan dhicin, waxana Jira waan waan ku socota labadii dhinacba iyadoo la sheegayo in loo sheegay in faraha laga qaado lagana durko halka muranku ka taagmey oo ah wado laami ah oo laga dhisayay magaalada qaybteeda Baraxley oo hadda ay fadhiyeen ciidanka Galmudug.

Raiisal wasaare Sharmaake oo shalay la eedeeyay ayaa dib ugu soo laabtey Garoowe safar aan hore loo shaacin isagoo lagu canaantey in uu dib u soo duulay. Wararka ayaa sheegaya in uu soo laabtey kadib war saxaafadeed ay soo saareen Puntland oo lahaa waan ogolaaney qodobo lanoo soo jeediyay.

Dhinaca kale hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ayaa soo gaaray Garoowe socdaalkaas oo dadka reer Mudug aad uga hadlayeen xilli dagaal ka jiro. Axmed Madoobe iyo Cabdiwelli Gaas ayaa dagaal federal oo iyaga u gaara kula Jira Xasan Sheekh..waxaanse jirin wax taageera oo uu fidin karo Axmed Madoobe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

 

admin:

This website uses cookies.