X

Wiilkii Ustareeliyaanka ahaa ee ukunta madaxa kaga dhuftey cunsuriga oo tabaruc weyn bixiyay

Wiilkii Ustareeliyanka ahaa ee xildhibaanka cunsuriga ah madaxa kaga dhuftey beedka ama ukunta ayaa dadkii Muslimiinta ahaa ee lagu xasuuqay Niyuusiland ugu tabarucay lacag dhaafsan 100-kun oo doolar.


Wiilkan oo lagu magacaabo William ayaa caan ku noqdey sida uu ukunta ula dhacay cunsurigaa hadda kursigiisii waayay maalin kadib xasuuqaa uu gaystey argagixiso gaala oo hadda la xukumey.


Muslimiintii lagu xasuuqay masjidka ayaa ilaa hadda loo aruurshey lacag gaaraysa 10 Milyan oo doolar halka qoysaska qaar aan iyaga waxba soo gaarin laakiin joogey goobtaas ay helayaan 12-kun oo doolar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.