X

Sh Maxamed Idiris oo ka naxay amaan la huwiyay maamul jufeedyada

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa faallo ka Qoray, maamul jufeedyada ku shiray Dhuusamareeb iyo Heesaha kala duwan ee halkaasi looga qaaday, Xili dadkii Soomaaliyeed Qaar ka mid ah ay Gaajo u dhimanayaan.


“Waxaan arkay madaxdii gobolada soomaaliya oo loo heesayo (halyeygii adduunkow)! (caqligii caalamkow)! (Soomaali kii samata bixiyow)! (Dalku kuu ku doogsadayow)! iyo ereyo la mid ah oo amaan ah! Iyaguna aad u faraxsanyihiin oo madaxa iyo majahaba ruxayaan!!

Waxaa igu maqaala ah madaxweynaha federaalkuna inuu ku soo biiri doono! Oo heesaha iyo amaanta wax ka dhegeysan doono! kuwa amaantaas qaada waxaa badanaa lagu soo iibsadaa shilimaad khasnadda ummad 3 malyan qaxooti tahay!


Madaxdaas shacabkoodu wuxuu u le’anayaa macaluul, caafimaad darro, wado la’aan, gaadiid la’aan, biyo la’aan, koronto la’aan, nolol la’aan!! Waxaa taariikhdu sheegtaa: Salaaxuddiin Al Ayuubi in sannado badan qosol laga waayey! Markii la weydiiyeyna uu yiri: Ilaahay baan ka xishoonayaa inaan qoslo!! Iyadoo masjidul aqsaa la haysto!

War miyaan xoogaa yar oo dareen ahi jirin!! Ilaahay hortiisa waxaan markhaati ka ahay haddii la inna rogo shacabka soomaali seynu u dhannahay!inaan Ilaahay noo darnaan! Nana dulmin!! Ee annagu mutaysannay in la inna rogo!!


Naxariis Ilaahay keliya baan ku noollahay! Ee ummad mutaysatay iney noolaato ma nihin!!

Si kastaba ha ahaatee hadalka sheekha ayaa waxa ka maqan in maamul jufeedyadu yihiin dulin jaqa xoolaha masaakiinta oo aaan la xisaabin. Sida keliya ee ummada xoolahooda loogu celin karo ay tahay in daaqada laga tuuro maamul jufeedyada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.