X

Gabadh ka soo fakatey Kiiniyaati afduubtey oo walaalkeed afka furtey

Sakariye Luqmaan waa walaalka Xafsa Luqmaan oo dhawaan ka soo fakatey Kiiniyaati afduubtey. Sakariye oo saxaafada uga waramay sidey wax u dhaceen iyo sida walaashii u soo fakatey ayaa yiri sidantan.


”Xafsa xilliga la helaayay waxa ka maqnaa ragga afduubtey, bil nasiib way qaylisay waxana meesha lagu haayay maraysay gabadh, oo ay ku tiri meeshaana laygu haystaa mana ogi inta aan ku jirey ee booliiska iigu wac ayuu yiri Sakariye.

”Gabadhii ayaa booliiska u wacday, waxana lagu jabiyay guriga oo ay ku xirnaayeen qufulo waaweyn ayuu raaciyay Sakariye. Waxa intaas kahor jiri jirtey in ragga afduubtey na soo wici jireen oo oran jireen lacag shan milyan ah ayaan idinka rabnaa oo u dhiganta 50-kun oo doolar.


Anaga waxma dilno keliya hadaa lacagta soo shubtaan gabadha waa la sii deynaa ayay oran jireen. Gabadha markii la sii daayay waxa ka muuqday nabaro, wuxuna Sakariye arintaa ku macneeyay in raggu feereen markii hore ee ay qabanaayeen.

Shirqool miyay ahayd afuubka

Sakariye ayaa ka sheekeeyay sida afduubku ku yimi wuxuuna sheegay in walaashii ay u timi gabadh kale oo ay lacag ku lahayd. Gabadhii lacagta ku lahayd ayaa ku tiri ina keen waan ku soo siin tukaan xaafada aan ku leehay ayaan soo xirayaa.


Markii la is raacay oo la aaday xaafad aan Muslim deganayn amnigeeduna fiicnayn ayaa waxa la gaaray salaadii Maqrib kadibna waxay walaashay tiri aan tukano halka gabadhii kale tiri anu baryahan ma tukan oo salaadu waa iga qasan tahay.

Kadib walaashay salaadii Maqrib ayay gashay, ayadoo salaadii ku jirta ayaa raggaan yimaadeen oo jawaan ku riteen. Waxana halkaa nooga muuqda inay shirqool ahayd waayo yaa sii diyaariyay jawaankan.


Kadib waxay ku soo rideen gaariga xagiisa dambe waxana la daartey muusig si aan loo maqlin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.