X

Xiiso uma qabo la kulanka madaxweynaha Maraykanka: Ibraahim Raiisi

Madaxweynaha cusub ee Iiraan ee xilka la wareegi doona bisha sideedaad ee sanadkan ayaa sheegay inaanu xiiso u qabin la kulanka madaxweynaha Maraykanka, uuna dalbanayo in Maraykanku qaado cunaqabataynta.


”Haba yaraatee ma jirto wax gorgortana oo aan ka galayno gantaalada Iiraan samayso oo wadaadka Iiraan u sareeya ee Cali Khamanee sheegay inuu ku koobay ilaa 2000 oo km oo keliya ayuu yiri Ibraahim Raiisi

Waxay Iiraan wanaajin doontaa xiriirka ay la leedahay dalalka deriska oo u jeedo Sacuudiga iyo weliba Turkiga oo baryihii dambe xurguf aan badnayn ay kala dhaxaysay.


”Danta shacabka reer Iiraan keliya ku xirnaan mayso heshiiska Nukliyeerka ee u dhexeeya anaga iyo wadamada reer galbeedka ayuu raaciyay Ibraahim Raiisi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.