X

Gabadh sirdoonka Somaliya ka tirsanayd oo looga shakisan yahay in kooxda Xalane afduubteen

Waxa muddo usbuuc iyo badh maqan gabadh lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd sirdoonka Somaliya ee afka-qalaad loogu soo gaabiyo NISA. Gabadhan ayaa la sheegay inay wax ku soo baratey Ingiriiska sida uu xaqiijay adeerkeed xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.


Waxa kale oo xildhibaanku xaqiijay inuu yahay isaga qofkii ugu horeeyay ee la tusay muuqaal gaadhi oo lala wareegayo baraha bulshada oo muujinaya gaadhiga ay fuushay. Sirdoonka Somaliya oo qayb ka ah raadinta gabadhan ayaa xildhibaanku sheegay inay lahaayeen gaariga ay raacday habeenkaas.


”Gabadhaas kama ag-dheera kooxda Xalane waayo waxa dhici karta in shirqool lagu kaxeeyay maadaama ay dal shisheeye wax ku soo baratey ayuu yiri Cali Calasow. Inta badan shirqoolada noocana waxa marka dambe gacanta loo geliyaa argagixisada shabaab.

”Sirta ay hayso Ikraan ayaa keentay in ugu yaraan la afduubto, waxana ilaa hadda loo haystaa inayna bixin xogta ay hayso ayuu raaciyay Cali Calasow.


Si kastaba ha ahaatee sirdoonka Somaliya ayaa lagu canaantey sida ay uga fakatey shaqsi iyaga ka mid ahaa, waxayna muujinaysaa kharaashaadka kooxda Xalane ku bixisay inay danahooda ka fushadaan magaalada iyo dalkaba.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.