X

Gabadh uu dhalay safiirka Afqaanistaan u fadhiya Bakistaan oo la garaacay

Gabadh uu dhalay safiirka Afqaanistaan u fadhiya Bakistaan ayaa lagu garaacay caasimada Islamabaad. Booliiska magaalada ayaa sheegay inay heleen gabadha haddana la geeyay isbitaal si looga daaweeeyo dhaawacyo loo gaystey.


Lama garanayo cida garaacday gabadhan oo xaafada ka baxday si ay wax u soo iibsato. Caadiyan haweenka dalkaasi ayaan keligood bixin, ayadoo dalku yahay meel aan haweenka amni u ahayn hadday baxaana ku baxaan qoys ahaan.

Wasaarada arimaha dibedda Bakistaan oo fadeexad kala kulantey arintan maadaama dalku jebiyay xeerka amniga ee u yaala danjireyaasha iyo qoysaskooda, ayaa kordhisay amniga safaarada.


ā€¯Waxaan ku dabajirnaa inaan gacanta ku soo dhigno cida ka dambeysa arintan ayaa lagu yiri qoraal. Bakistaan ayaa taageerta argagixisada Taalibaan ilaa intii aan laga tuurin xukunka dalkaasi Afqaanistaan. Raiisal wasaaraha Bakistaan ayaa dalbadey in 48 saac gudahood lagu xaliyo arintan.


Booliiska ayaa sheegay in sadex tagsi ay kala qaadeen gabadha oo hadda ay maqan tahay muuqaalka tagsigii u dambeeyay ee ku soo celiyay caasimada, kaasna hadda ay ku dabajiraan. Tagsiga u dambeeyay ayaa qaaday ninkale oo la rumaysdan yahay inuu gaystey weerarka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.