X

Kooxda Xalane iyo midowga Afrika oo warbixin ku dalbaday in dalka horgale loo dhiibo

Warbixin dhawaan ay qoreen midowga Afrika iyo kooxda Xalane ee sheegata magaca beesha caalamka ayaa lagu sheegay in dalka loo dhiibo horgale iyaga u adeega kadib markii madaxweyne Farmaajo eryay mid iyaga ka mida geed dheerna kaga xirey siyaasada dalka.


Kooxdan oo dabada uu ku wato Maraykanka ayaa dalbatey in xukunka dalka loo dhiibo horgale ay ku adeegtaan si ay siyaasada dalka dib gacanta ugu dhigaan. ”Hadda ma jirto meel ay ka soo galaan siyaasada dalka tana caqabad weyn ayay ku tahay, waxana joojiyay madaxweynaha hadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu yiri Cali Calasow.


”Warbixinta ayay ku dareen qaskii ay ka bilaabeen magaaalada Muqdisho kadib markii ay dabada ka soo riixeen kooxda ay wataan oo isku dayay inay shacabka ka barakiciyaan magaalada laakiin dib u gurtey markay arkeen inayna meelna ku gaarayn ayuu raaciyay Cali Culusow.


Dawlada Somaliya ayaa la filayaa inay ka nixiso kooxdan oo awalba lacago saaida ku bixinaayay sidii dawlada u diciifin lahaayeen, haddana jilbaha u laabtey sidii ay u hubin lahaayeen in madaxda hadda dib loo soo dooran.

”Jawaabta dawlada ayaa noqon doonta mid ayna jeclaysan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.