X

Jaaliyada qaxootiga ku ah Maraykanka oo karhay socdaalka Xasan Culusow?

Jaaliyada qaxootiga ku ah Maraykanka ee Somaliyeed ayaa karhay socodka Xasan Culusow uu ku khasaariyay malaayiin doolar oo la siin lahaa ciidanka iyo dadka u qalma. “Runtii waa nasiib daro Soomaali ku habsaday, Xasan Culusow dan qaran ma wado ayuu yiri Cali Macalin oo Maraykanka qaxooti ku ah.



“Anagu ma aanaan dalban Xasan Culusow inuu Maraykan iyo dalal kalaba dalxiis ku tago, waxase laga rabay inuu dadka dhulkii jooga ee tabaalaysan wax u qabto si aan anaguna u soo noqono ayuu raaciyay.

Xasan Culusow oo dabadhilif weyn u ah kooxda Xalane ee Maraykanku ugu horeeyo qaybta ugu weyna ku lahaa soo noqodkiisa, ayaa hadda wada danta Maraykankunka leeyahay geeska sida inay la jiraan dagaalka uu ku fashilmay ee uu kula jiro Ruushka iyo sii kala qoqobka dalka.



“Waxoogaaga dadka ee tagaya caawa halka Xasan Culusow ka hadlayo waa shaqsiyaad qabiilnimo qaaday ee hadday caqli leeyihiin shilinka halkaa ma geliyeen, waxa dhan ayaa munaafaqad ayuu raaciyay Yuusuf Keynaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.