X

Gabadhii labaad ee jaamiciyada oo argagixisadu ku dishay Muqdisho xilli dilalkale dhaceen

Muqdisho 30-12-2014–Argagixisada shabaab ayaa gabadh jaamiciyada ku dishay Muqdisho xilli ay dhamaysay shaqada Kuna socotay gurigeeda. Gabadhan ay argagixisadu khaarajisay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Axmed Boote waxayna dhamaysay kuliyada kombuutar saynis ama cilmiga barashada kambuutarada.

Maryan ayaa ka shaqaynaysay mid ka mida bangiyada magaalada Muqdisho lamana garan karo waxa argagixisada u dishay waxayse hore u dileen dad bulshada waxtar u leh.

Koocda dishay ayaa sidii caadiga ahayd ka baxsaday goobta iyagoo Ku baxsaday mooto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.