X

Warar sheegaya in ciidamada Kiiniya kaxaysteen Sakariye Ismaaciil oo ka tirsanaa ururka shabaab oo isa soo dhiibey

Wajeer 30-12-2014–Ciidamada Kiiniya ee Ku sugan gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inay kaxaysteen Sakariye Ismaacil oi ka tirsanaa ururka argagixisada shabaab iskana reebeen askartii Somalida ahayd Sakariye ayaa isku soo dhiibey ciidamada dawlada isagoo baxsad ayaa kana baqayay in ururkii uu ka tirsanaa gawracaan.

Masuul u hadlay ciidanka Somalida ee jooga gobolka Gedo ayaa sheegay in isagu la socdo ciidanka qaaday dibna u soo sheegi doono sida wax u jiraan.

Dawlada Somaliya ayaan wax wara ka soo saarin qaadashada Sakariye Ismaaciil ay u qaateen dhinaca Kiiniya waxase muuqata in dawlada Maraykanku la ogtahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.