X

Gabdho Somali ah oo dalbaday in laga sii daayo xarun lagu kufsado oo ku taal Liibiya

Xaawa waa 17 jir dib loogu soo celiyay Liibiya kadib markii la soo celiyay doon ay saarneyd oo ku jeeday Talyaaniga. Xaawa waxay sheegtay in hore loo kufsaday iyada iyo gabsdho kale.


Waxa lagu soo celiyay gabdhahan xero reer galbeedku kharasheeyo oo ku taal caasimada oo dawlad ku sheega Turkigu taageero maamusho halkaas oo gabadhan sheegtay in loogu gaysto kufsi xad dhaafa, waxayna dalbanaysaa in laga soo gaaro.

”Shan ayaan ku nahay halkan waxana naloo gaysta tacadiyo ay ku jiraan kufsi iyo adoonsi caadiya ayay tiri Xaawa. Waxaan degdeg u dalbanaynaa in meeshan nalaga saaro.


”Tani waxay nagu dhacaysaa markii ay magafeyaashu hore noo soo kufsadeen waxase ka sii daran waxa xeradan maamula dawlad ku sheeg Turki taageero  ay kharashkana bixiyaan reer galbeedku ayay tiri Xaawa.

”Musqusha hadaa rabto inaa aado waa inaa is furataa, hadaa rabto inaa qoyskaada la hadasha waa inaa is furataa ayay raacisay. Waxa la sheegayaa kiisas ka dhacay xeradan oo dumar lagu uureeyay kadibna ay ku dhaleen isla xerada sida ay sheegayaan kooxaha u dooda xuquuqda.


”Way ku fiican  yihiin waayo cidna ma oran is tuura, ayagaa dalbadey in sidan loo macaamilo, arsaaqada Yurub keliya miyay taalaa ayuu qabaa Cali Calasow. Hal iyo laba maaha gabdhaha lagu kufsaday safarka dheer ee Liibiya lagu tago ayuu raaciyay tana waxay u tahay gabdhaha kale dignin ”hadaad rabtaan kufsi wadadu waa idin furan tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.