X

Galmudug oo u dhacdey halkii laga soo abaabuley weerarkii Gaalkacyo

Galmudug ayaa u dhacdey halkii laga soo abaabuley weerarkii Gaalkacyo ee argagixisada kooxda gaaleynta ay ku xasuuqeen ilaa 15 ruux oo shacaba halka iyadna ay dhinteen kuwii weerarka soo qaaday.


Taliska Ciidanka Booliska Galmudug oo labadii maalmood ee la soo dhaafay waday howlgal ballaaran ayaa maanta shaaciyay in ay heleen xog ku aadan Guriga ay deganaayeen raggaasi iyo sidda ay ku degeen.


Dadka la qabtay ayaa hada waxaa ku socota Baaris, waxaana la aaminsan yahay in ay soo gashay xog ku aadan soo dhaweynta iyo Keenida Gaalkacyo raggii weerarka fuliyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.