X

Qarax bambaano oo ka dhacay Boosaaso iyo rasaas la ridey

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso caawa ayaa sheegaya inuu qarax bambaano ka dhacay halkaasi. Bambaanada ayaa ah kuwa gacanta laga tuuro.


Bambaanada ayaa argagixisadu ku weerartay xarunta degmada ee Boosaaso waxana looga jawaabay rasaas hal dhinac ku socota oo la maqley in muddo ah.

Lama sheegin in iska hor imaad toosa socdo iyo ciidanku rasaasta ku ridayaan.


khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca laba kale, waxana dadka dhintay u badan Ilaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Magalada Boosaaso.

Ciidamo deg dega ayaa ku soo qulqulay goobta qaraxu ka dhacay.


admin:

This website uses cookies.