X

Ganacsato Somaliyeed oo qaadey talaabo lagu farxo

Ganacsato Somaliyeed oo wadaniyiina ayaa qaadey talaabo lagu farxo ayagoo ka xanaaqdey sida Kiiniya oo ka mida cadowyada Somalidu leedahay ay u soo cayrisay safiirkeena unala dhaqanto dadka Somalida ah ee ay ku gumeysato gobolkooda.


Ganacsato jaadleyaala ayaa joojiyay gebi ahaanva soo iibsiga jaadka miiraaga loo yaqaan ee boqolaalka kun ay maalin kasta ka soo dhoofiyaan Kiiniya.

Ganacsatada ayaa la sheegayaa inay u wareegeen dhinac kale si uu u sii socdo dhaqaalaha Somalida danyartaa ka helayaan.


Guddoomiyaha qaadleyda Soomaaliyeed Qooje Maxamuud Qayliye ayaa sheegay inay ka maarmaan ka Ganacsiga qaadka miiraha ee laga keeno dalka Kiiniya isla markaana ay heleen qaad ka wanaagsan oo ka yimaada dalalka deriska sida Itoobiya.


Shalay ayay ahayd markii ganacsatada Kiiniya sheegeen inay joojin doonaan jaadka ay geeyaan Somalita oo ah halka ugu weyn ee ay u iibgeeyaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.