X

Shirkadii Xasan Sheekh Maxamuud u ogolaadey in urursato macluumaadka batroolka oo hadashay

Shirkada haysata macluumaadka kheyraadka badeena min Puntland ilaa Kismaayo ayaa war ka soo saartey muranka Kiiniya ku soo eriday safiirkeena.

Shirkadan oo lagu magacaabo Isbektaram ayaa iyadu xaq u leh inay iibsato sahamintii ay samaysay sida uu heshiiska kula saxiixdey maamulkii Xasan Sh Maxamuud.


Markey iyadu iibsato xirmooyinka shidaal ayaa dawlada Somaliyana heshiis la geli doontaa shirkada iibsatey xirmooyinka shidaal taas oo ah laba jeer iibsasho hanti Somaliyeed.

Lama garan karo xaq jeebka shirkadani siisay maamulkii Xasan Sh Maxamuud oo aan lagu aqoon inuu xogta si furan u soo bandhigo.


Qoraal ay shirkadda soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in Shirkii Magaalada London ka dhacay ee dawlada Somaliyana goobjoofe ahaan loogu casuumay aan lagu xaraashin xirmooyin.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay sheegtay in dhul Badeedka sahaminta lagu sameeyay ee lagu soo bandhigay shirkaas uu yahay mid  ay leedahay Soomaaliya.


Warka shirkadan haysata macluumaadka shidaal ee dalka ayaa loogu talogalay mid raalifelibayon Kiiniya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.