X

Ganacsiga loo yaqaan Foorex ma xalaalbaa

Waxa mudooyinkii dambe soo baxay ganacsi hore oo dib loo cusboonaysiiyay loona bixiyay Foorex (Forex). Haddaba Foorex waa ganacsi nooceeya xalaalse ma yahay, mase ku aamini kartaa lacagtaada, maadaama aad u baahan yahay meel aad isku halayn kartid.


Marka hore aan fiirino ganacsiga Islaamku ogolyahay waa mid nooceeya. Waa ta koowaade waan wada ognahay in RIBADU xaaraan cad tahay, waana inaad ogaataa in ribo kugu soo gelin si toosa iyo si dadbanba.

Waxaa tusaale inoo ah oo aan ka duuleynaa xadiiskii rasuulkeena CSW ee ganacsiga ee oranaya dahab ku bedelo dahab, silfar ku bedelo silfar, qamadi ku bedelo qamadi, iyo sidoo kale wax Isla mida laakiin hadday kala duwan yihiin u kala iibsada sidaad jeceshihiin mar haddii iibkaasi ama wax is weydaarsigaasi yahay gacan u dhiibeysa gacan kale.


Laakiin ganacsiga Foorex maaha gacan u dhiibeysa gacan kale ee waa Internet markaas ma noqon karaa xalaal. Haddii ganacsiga ayna Ribo ku jirin Isla markaana ayna soo gelin khamaar waa xalaal.

Si kastaba ha ahaatee maqaalkan kooban maaha mid looga fatwoonayo in ganacsiga Foorex yahay mid xalaala iyo mid aan la ogoleyn, waxa su’aashaas ka jawaabi kara culimada diinteena ee dhaqaalaha wax ka baratey ee wadaadkasta kama jawaabi karo aan ka ahayn inay kuu sheegaan inta sare ku qoran.


Si aad uga fogaato in aad ku dhacdey Ribo iyo khamaar oo ah labada ugu weyn dhinaca ganacsiga RABINA inooga digey, waxaad ka mid noqon kartaa Foorex ku salaysan diinteena oo ka jira meelo badan. Iskana hubi inta aanad ku biirin inuu yahay meel la yaqaan oo dawladu ogtahay oo hadhow aad dacweyn karto si aan laguu dhicin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.