X

Ruushka oo jabiyay weerar ay soo qaadeen argagixiso Dayib Erduqaan taageero

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa jabiyay weerar ay soo qaadeen argagixiso uu taageero Dayib Erduqaan oo wweerar ku soo qaaday deegaan ay joogeen ciidanka Siiriya.

Weerarkan ayaa imanaya xilli Dayib Erduqaan sheegay in isaga iyo xagjir Taram diyaariyeen qorshe ayna uga bixin Siiriya siiba gobolka argagixisada lagu aruuriyay ee Idlib.


Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay waabiyeen isla markaana burburiyeen weerarkaa argagixiso ee ay dabada ka riixayeen Turkiga oo si xawliya ku soo galay gobolka.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Turkigu soo rideen laba helikobtar oo ciidanka Siiriya lahaa laguna baacsanayay argagixisadii laga soo sifeeyay gobolka Xalab.


Munaafaqnimada Dayib Erduqaan

Dayib Erduqaan ayaa dhowr furimood kula dagaalamaya Muslimiinta waa ta koowaade waxa hore loogu jebiyay Siiriya haddana uu is leeyahay ku dheg gobolka xadka la leh ee Idlib sidaana ku sheego badda Siiriya kadibna isku xir ilaa Liibiya.


Waa ta labaade wuxuu isku hubeeyay Muslimiinta Liibiya oo dalkooda ay burburiyeen gaalo ay aamineen sanadii 2011. Wuxuu marna afka saaraa Ruushka si uu isaga celiyo Taram halka marka kalana uu soo dhaweysto Ruushka oo Siiriya ka badbaadiyay burbur.

Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah xagjir Taram ma u dagaalami doonaa Dayib Erduqaan haddii Ruushku weeraro oo Erduqaan sii xumeeyo weerarka uu ku hayo dalka Siiriya. 


Jawaabta su’aasha sare waa Maya

Weerarkan ugu dambeeyay ee uu soo qaaday Erduqaan ayaa u muuqda inuu taageero buuxa ka haystey xagjir Taram, waxaanad arki doontaa isagoo dib u barya Ruushka marka Taram u sheego in aanu la dagaalamayn Ruushka.

”Weligeed ma dhacayso in askari Maraykankana u dhinto Dayib Erduqaan inay ku shaqaystaan kadibna uga baxaan mooyee ayuu yiri Xuseen Warsame. Dayib Erduqaan haku noqdo Turki oo dalkiisa ah hadduu nabad rabo ayuu raaciyay.


Weerarkan ugu dambeeyay ee Erduqaan ku soo qaaday Siiriya ayuu rabay inuu dhul ku qabsado. Wuxuuse la noqdey guuldaro. Ruushka ayaa u sheegay Dayib Erduqaan inuu joojiyo argagixisada uu ku wareejinayo hubka.

Wsiirka difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in xagjir Taram u balan-qaaday inuu la soo gaaro hubka lidka diyaaradaha oo uu ula jeedo inuu Ruushka kula dagaalamo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.