Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Gantaalihii Iiraan cidi kuma dhiman maxayse ahayd fariinta guud: SAWIRO

Iiraan oo ku lumisay dhimashada hogaamiye Qaasim Suleymaan oo Maraykanku diley in ka badan 50 qof ayaa shalay gantaalo ku garaacdey saldhiga weyn ee Maraykanku ku leeyahay Ciraaq iyo weliba qunsuliyada ku taal magaalada Eerbiil ee Woqooyiga ee Ciraaq.



Labada meeloodba cidi kuma dhiman waxaanad is weydiin kartaa sababta keentay. Xagjir Taram ayaa shalay sheegay in qalabkiisa sheega jugta gantaalaha uu siiyay fursad ay ku dhuuntaan laakiin taasi waa been, waxana runta sheegtay Iiraan iyo Ciraaq.

Iiraan ayaa sheegtay in laba saacadood kahor ay Ciraaq u sheegtay in gantaalo Ku soo socdaan labadaa goobood, kadibna Ciraaq u gudbisay fariintaas ciidanka Maraykanka oo jooga labadaa goobood.



Kadib waxa dhacay ayaa haddaba Ku reebay naxdin iyo lama filaan xagjir Taram iyo ciidankiisa. Iiraan waxay si kama leexdaana gantaalahoodii u garaaceen una burburiyeen 3 bakhaar oo ku yaalay saldhiga.

Halka qunsuliyada ay ka leexiyeen gantaalaha kuna dhufteen meel aan ma fogeyn. Tani waxay muujinaysaa awooda Iiraan ayadoo sanado badan tijaabisay gantaalada kala duwan ee haysato, ayna muujisayna awooda ay u lahayd inay gaysato khasaare laxaadle.



Waxa awoodaa qirtey xagjir Taram iyo dhamaan reer galbeedka oo awal oran jirey Iiraan waxay haysataa gantaalihii Ruushka ee aan hagida lahayn.

Iiraan waxay ka leexatey inay disho ciidanka Maraykanka ee joogey goobahaas ayadoo dili karta ayuu qirtey Jeneraal Mask oo ka tirsan ciidanka Maraykanka.

“Anaa kuu sheegaya waxaan hadda aragney ee aan ogyahay, waxaan shaki ku jirin in goobahaas iyo qunsuliyadaba aan aqal jooga sarajooga lagu arkeen haddii Iiraan rabto ayuu raaciyay.



Iiraan waxay ka fikirtey mustaqbalka waxayna dirtey fariinta hadda aan laga been sheegayn, waxana hadda ku daayay hanjabaad dambe oo la is weydaarsado.

Sawirada hoose waa burburka meelaha gantaaluhu sida saxda ah ugu dhaceen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...