X

Garoonka Muqdisho oo laga mamnuucay hubka lala galayo yaase loo ogolyahay

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa ku macneysay sababaha inay ku timid sare u qaadida amniga Garoonka magaalada Muqdisho. Qoraal faahfaahsan oo ay ka bixisay cidda loo oggol yahay in ay hubka la geli karaan garoonka diyaaradaha ayayna raacisay.


“Waxa kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada.


Amarkan ayaa si toos u saameynaya qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynayaasha oo Ilaaladooda iyo hubkooda la gala garoonka, sida madaxweynayaashii hore iyo ra’iisul wasaarihii hore.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.