X

Prof Axmed Samatar oo xarun caafimaad xariga ka jaray

Prof Axmed Samatar oo si aada loogu qasaaray ayaa lagu casuumay inuu xariga ka jaro xarun caafimaad oo laga fuliyay deegaanka Fardo-lagu xir oo ka mida degmada Lughaya. Xaruntan ayaa waxa iska kaashadey qurbajoogta Maxadcase ee Yurub iyo Jabuuti.


Lama garan karo waxa Axmed Ismaaciil Samatar loogu dhiibey inuu xariga ka jaro halkii xarig ka jarida xoolaha dadka kale qabteen lagu yaqaaney C/raxmaan Saylici oo aad moodo intii yaraydna uu kala baxay Prof Axmed Samatar.

Xaruntan caafimaad oo deegaanka aad loogu baahnaa ayaa loo bixiyay Samatar dheere oo ah Axmed Isnaaciil Samatar awowgii waxaadse is weydiin kartaa waxa lagala dooney Fardo-lagu xidh maadaama Axmed Ismaaciil Samatar yiraa waxaan nahay reer Gabiley.


Qurbajoogta iyagu ka qayb qaatey xaruntan caafimaad ayaa sheegay in Prof Axmed Samatar bixiyay inta ugu badan kharashka sidaasna loogu bixiyay magaca awowgii.

Axmed Ismaaciil Samatar oo runtii hadda xaafad iska noqdey ayaa xaruntan sheegay inuu qayb weyn ku lahaa,wasiirkii qorsheybta maamulka ee Muuse Biixi eryay markuu ka dhex arkey Axmed Samatar oo hadda aanu arki karayn.


Prof Axmed Samaatar ayaa la sheegay inuu hadda dadaal ugu jiro sidii uu isku daba,qaban lahaa oo mashaariic yaryar ka fulin lahaa deegaanada xeebta si calalaqal u gaaro Dr C/raxmaan Beyle oo isagu dugsi ja dhisay isla deegaankaas xeebta gobolka Awdal.


Prof Axmed Samatar oo goobta ka hadley ayaa yiri waad u jeedaan ee Muuse Biixi waxba haka suginee isku tashada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.