X

Shaqaale Somali ah oo ku guulaystey magdhow farabadan

Mid ka mida shirkadaha ugu weyn aduunka ee qala hilibka, doofaarka iyo digaaga ee loo yaqaan JBS ayaa Somali farabadan maxkamad la fuuleen sanadii 2010. Cabashada ay Somalioda iyo madowgu qabaan ayaa ahayd in xuquuqdooda diiniga lagu tuntey.


”Waxa loo diide jirey inay tukadaan, waxa cay loogu qori jirey jikooyinka la fariisto xilliga nasashada, waxa xataa loo gaaray in bisha Ramadaan laga xirto biyaha si ayna u weysaysan ama u sii weyso qaadan salaada kahor.

Shaqaalaha badankooda ayaa laga eryay shaqada ayadoo marmarsiiyo looga dhigtey inay baxeen bila fasax. ”Waxa la yiraa waa tukan kartaan markaa salaada u baxnana albaabka aya nalaga xirtaa si anan u so noqon ayaa maxkamada loo gudbiyay.


11 sano sano kadib ayaa maxkamadu u xukuntey midkiiba 54 kun oo doolarka Maraykanka oo u dhiganta magdhowga guud inuu yahay 5 milyan iyo 500 oo doolarka Maraykanka ah.


Shaqaalaha badankooda oo la eryay ayaa hadda la amrey in dib loo qaato bilaa shuruud. Shirkada ayaa soo saartey qoraala inay qaadatey kiiska, ayadoo weliba lagu amrey in loo sameeyo meel u gooniya oo bilaa buuqa oo ay ku tukadaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.