X

Gobolka Awdal iyo siyaasiyiin xumada ku habsatey 30-ka sano

ARAABINEWS

Sidii qaranku u burburey sodon sano kahor gobolka Awdal wuxuu dhisay maamul ay leeyihiin beesha ISAAQ oo ay ugu magac dareen Somalilaan oo ah magac ka yimi Ingiriiska. Caruurtii burburka dhalatey ayaa hadda ah kuwo aan qaarkood laga dhaadhicin karin waa maamul jufeed ilaa ay Somaliya dibeda uga baxaan kadibna is ogaadeen waxa ay yihiin.


”Waxa meesha ka baxaysa BUGTA ah ”waxaa nahay qaran iyo waxa ay ugu yeedhaan ”JAMHUURIYADA Somalilaan ayuu yiri Xuseen Warsame. Anigeygan ayaa ka mid ahaa kuwa beenta loo sheegay laakiin hadda guntii soo taabtey.

”Waxa maalin walba ka tagaya gobolka dadka intii waxgaradka ahaa inagoo og in intii waxbaratey ay marhore dalkoo dhanba ka haajireen ayuu yiri Maxamuud Warfaa.


Shalay ayay ahayd markii duqii hore ee magaalada Boorama uu sheegay inaanu isku duleynayn horjooge Muuse Biixi oo si cad ugu sheegay in kursiga labaad ee golaha wakiilada uu beeshiisa u yaalo.

Waxa mardhow ka daba hadlay Abiibakar Siciid Cali oo ka mida kuwii dhawaanta reernimada lagu doortey oo isna sheegay inay kursigaa u daayeen beesha ISAAQ ee iyagu soo qorqori doonaan mashaariic uu Muuse yiri waan fulinayaa.


”Waad qoslaysaa mashaariicda la fuliyanaa waa kuwee ee inankan yari noo sheegayo ma kuwa 30 sanno la fulin waayay ayuu ka sugayaa beel kale ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Tayo ma jirto hadday jirtana kan tayada leh waxa qarinaya lacag waalan oo socota oo lagu yaqaano in beesha dhexe bixiso, marka waxay noqonaysaa wax awalba jirey oo ahaa in masiirka shacabka lagu iibsado shilimaad ayuu raaciyay Maxamuud Warfaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.